Latest News

16 ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka Sidr ee Iran ku weerartay Hormuz oo loo qaaday Cumaan

Haatufonline — 07 August, 2026

Lix iyo toban ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka qaada ee Sidr ayaa loo qaaday dhinaca dalka Cumaan,halkaas oo lagu daryeelayo caafimaadkooda.
Mrakabka Sidr ayaa isagoo sida 2 milyan oo foosto oo saliid ah oo maraya Hormuz 31kii August lala beegsaday gantaal ay soo ridden ciidamada IRGC ee Iran ,waxaana ku dhintay laba ka mid ah shaqaalihi markabka oo reer Filipin ahaa kuwaas oo maydkoodi iyagana loo qaaday Cumaan.
Siday sheegtay Xarunta Ilaalada Badda ee Cumaan waxa lix iyo tobanka shaqaalaha ah iyo labada maydka ah lagu soo qaaday markab yar oo Cumaan leedahay.
Waxase aan ilaa hadda warkooda la hayn todobo kale oo ka tirsana shaqaalaha Sidr kuwaas oo tiradooda guud ahayd 25 qof.

Sidr iyo markabka shidaalka ee kale Senegal Prosporous oo isna siday laba milyan oo foosto ayaa labadoodaba muddo 12 daqiiqo u dhaxaysa a Iran ku weerartay marinka Hormuz.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*