Latest News

19 Qof Oo Qaba Covid19 Oo Laga Diiwaan Galiyay Soomaaliya

Muqdisho, April 30, 2020 (Haatuf) – Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in ladiiwaan galiyay kiisas cusub oo ah fayriska Karoona. Wasaarada ayaa sheegtay inaay soo kordheen 19 xaaladood oo cusub. Waxaana sidoo kale lashaaciyay in 11 qof aay ka bogsoodeen Covid19.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiisaska maanta 18 kamid ah aay yihiin gobolka Banaadir, 1 qofna uu yahay Koonfur Galbeed.

Maalinba maalinta ka dambeeysa waxaa sii kordhaya xaaladaha cusub ee Covid19, waxaana sidoo kale soconaya wacyigalin iyo dadaalo kale oo wasaaradu aay ku dooneeyso in lagu xakameeyo Caronavirus.

Waa maalintii labaad ee aan lashaacin wax dhimasho ah, waxaana tirada guud ee dadka qaba Karoona aay gaareeysaa 601 qof oo u badan dadka kunool gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka caalamka ee uu sameeyay Covid19, waxaana weli liita daryeelka caafimaadka iyo goobaha lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*