Latest News

3 Askari Iyo Sarkaal Gaashaanle Ah Oo Reer Soodaan Ah Oo Ku Dhintay Weerar Itoobiyaanku Soo Qaadeen Iyo Hal Askari Oo La Kaxaystay

Khartuum,December 16,2020(Haatufonline)-Weerar iyo jidgoyn ay ciidamo Itoobiyaan ahi habeenkii Salaasada la beegsadeen ciidamo reer Soodaan ah oo ku sugnaa dhinaca Soodaan ee xuduuda u dhaxaysa labada dal ayaa waxa ku dhintay 4 askari oo reer Soodaan ah oo midyahay sarkaal Gaashaanle ah halka dhawr iyo tobbanna kalena ku dhaawacmeen.Waxa kale oo ay ciidamada Itoobiyaanku gacanta ku dhigeen oo ay ka xaysteen Saajin reer Suudaan ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay dhul ay Soodaan leedahay oo ay ciidamada Soodaan dhawaan dib uga qabsadeen dablay Amxaarò ah oo dhulkaa beero ka samaysatay xoogna ku haysatay mudfo dheer.Raiisalwasaaraha Soodaan Cabdalla Xamduuk ayaa hadal uu bartiisa Twitterka soo dhigay si kulul uga jawaabay arintan waxaana la saadaalinaya in xidhiidhka Itoobiya iyo Soodaan uu sii xumaado hadaanu dagaalba ka dhex dhicin labada dal ee jaarka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*