Latest News

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Hoggaan Dooratay

Hargeysa, September 17, 2022 (Haatufonline) – Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iska dhex doortay hoggaan cusub.

Gudidda Doorashooyinku waxay Gudoomiye u doorteen Muuse Xassan Yuusuf, halka ay Gudoomiye ku xigeena u doorteen Axmed Cismaan Xasan, sidoo kale Cabdicasiis Xirsi Warsame – ayay u doorteen Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sida lagu sheegay war qoraal ak oo ka soo baxay gudidaasi doorashooyinka Qaranka.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyaga oo fullinaya Xeer91/2020 iyo Xeerhoosaadka KDQ, maanta oo bishu tahay 17. September. 2022 waxay doorteen hogaankii haggi lahaa sida hoos ku qoran:

Muuse Xassan Yuusuf – Godoomiye KDQ
Axmed Cisman Xassan – Gudoomiye Kuxigeen KDQ
Cabdicasiis Xirsi Warsame – Afhayeenka KDQ

Waxaan bulshada JSL ee sharafta leh waxaanu ka codsanaynaa innay noo soo duceeyaan, Ilaahay ha nagu guuleeyo in Qaranka JSL aanu u horseedno guul hor leh oo taariikhda gasha.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*