Latest News

Xildhibaanada Xawaadle Oo Safka Hore Kaga Jira Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Iyo Buulo Burde Oo Go’doonki Laga Xoreeyey

Beledweyn,September 18,2022(Haatufonline)-Beesha Xawaadle ayaa u muuqata in aanay u kala hadhin dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee mudooyinkan dambe ka socday gobolka Hiiraan iyadoo xildhibaanada Xawaadle ugu jira baarlamanka Somalia oo uu horkacayo Maalik Cabdalla ay iska xaadiriyeen faroomaha dagaalka. Ciidamada loo yaqaan Macawislayda ayaa dhawrki maalmood ee u dambeeyey Alshabaabka ka xoreeyey deegaano balaadhan oo ka mid ah gobolka Hiiraan,waxaana ka mid ah Aboorey oo uu hada ku suganyahay Xildh Maalik Cabdalla iyo Tardo,Sagaalge,Geedsamo iyo Inamey kuwaasoo dhamaantood hoos taga degmada Buulo Berde.Dagaalkan oo la sheegay in Shabaabka lagaga dilay ilaa 50 xubnood ayaa waxa ka dhashay in maleeshiyada Macawislayda ee beesha Xawaadle soo afjaraan go’doonki ay Buulo Berde ku jitrtay mudada sideeda sanadood ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*