Latest News

Al-Shabaab Oo Dab Sudhay Guryo Ku Yaala Tuulooyin Hoos Yimaada Gobolka Galguduud

Baxdo, September 6, 2022 (Haatufonline) – Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa guryo ku gubay tuulooyin hoos taga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Weerarkan ururka Al-Shabaab ay Guryaha ku gubeen ayaa dhacay xalay, waxaanay wararku intaa ku darayaan in guryaha la gubay ay deganaayeen dad shacab ah.

Tuulooyinka la gubay ayaa kala ah Biyo-Days oo 15KM u jirta degmada Baxdo iyo tuulada Meegaag Duub oo Baxdo u jirta 18KM, ilaa haddana ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo laga soo sheegay weerarkaasi.

Toddobaadkii hor ayey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gubeen Ceelal iyo Barkado ku yaala deegaanno hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Halka meel u dhxaysa Beledweyne iyo Maxaasna ay ku xasuuqeen 20 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan dumar iyo caruur, sidoo kalena ay dab sudheen 7 gaadhi oo siday raashin oo ka dhacay deegaankaasibkabtirsan Hiiraan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*