Latest News

“Dalkan (JSL) Dadkiisa Ayaa Xag Diimeed Iyo Xag Nabadeed Iyo Xag Siyaasadeed Dhistay,Cid U Riyootana Uma Baahna” Sheekh Maxamad Xaaji Maxamuud Xiiray.

JSL waa dal muslin ah , islaamku goob walba ka muuqdo, quraanka meel kasta lagu dhigto, masaajido aad u tira badan meel kasta laga dhisay. Dadku inta taagood ah diinta ku dhaqmaan. Xaaraanta lala dagaalamo, khamri, maandooriye, ribo.Culumadeenu waynu ognahay sida madaxa banaan ee masaajida uga hadlaan, Iswaydiintu waxa weeye,YAA ARLADAN, DAWLAD, URUR DIIMEED, DIINTA IYO SHAREECADA ISLAAMKA INOOGA DHAW OO AYNU KU DAYANAA? Mise inaka ayaaba caalam waynaha islaamku ina ma jeeranayaa. Hadii arladan tusaale dhaw aad ka waydo bal taariikhda dib u eeg oo yaynu ku dayanaa? . Dalkan (JSL) dadkiisa ayaa xag diimeed iyo xag nabadeed iyo xag siyaasadeed u dadaalay taagtooda, oo dhistay, cid u riyootana uma baahna, hore ayay qolodii xaramka qoryaha la galay riyo ugu halaagsameen. Muslimiinta guud ahaana cid kastaa deegaankeeda xag diimeed, xag nabadeed iyo xag siyaasadeed haw dadaasho. REER SOMALILAND CAADIFAD IYO FUDAYD BAA LAGU YAQAAN EE MARLABAAD TALADU YAYNA INAGA XUMAAN.ALLE MUSLIN OO DHAN HAW GARGAARO.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*