Latest News

Al-Shabaab Oo Mar Kale Ka Hadashay Qaraxii Ex/control Afgooye Iyo Dhimashadii Uu Sababay

Muqdisho, (Haatuf) – War Qoraal ah oo mar kale ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayay kooxdu kaga hadashay khasaaraha ka dhashay Qaraxii toddobaadkan ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.

Qoraalka Al-shabaab ayaa lagu sheegay baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxan ku ogaadeen in guud ahaan tirada dadka ku dhintay dhamaayeen 84, iyaga dhimashada dadka rayidka ah ku soo koobay oo kaliya 23 ruux inta kale ee soo hartayna ku sheegay Shaqaale Turkish ah, Askar iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ula shaqey-nayay Turkiga, dadka Qaraxan ku dhaawacmay ayeey tiradooda ku soo koobeen oo kaliya 69 ruux.

Shaqaalaha Turkiga ah ee ku dhintay Qaraxan ayeey ku sheegeen Afar ruux, halka dowladda Turkiga ay dhankooda sheegeen in Qaraxan ugu dhinteen Labo mowaadin.

Warkan ka soo baxay Al-shabaab ayaa baalmarsan marka la eego khasaaraha dowladda Soomaaliya iyo guddiga gurmadka ay ku sheegeen in uu sababay qaraxii Ex Koontarool Afgooye, waxaana xog laga helay goobaha caafimaadka ay sheegayaan in dhimashada ugu badan qaraxan ay ku dhacday dadka rayidka ah intooda badanna ahaayeen Ardey Jaamacadeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*