Latest News

Maraykanka Oo 750 Askari Oo Dheeraad Ah U Diraya Ciraaq

Baqdaad, (Haatuf) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Ciidamo u dirayo Dalka Ciraaq, ka dib markii la weerarray Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad.

Maraykanka ayaa sheegay in  Ciidamo dheeraad ah oo gaadhaya 750 Askari inuu u dirayo Ciraaq, ka markii Mudaharaadeyaal Cadhaysani ay dhagaxaan ku weerarreen Safaaraddiisa Magaalada Baqdaad, sida uu soo qoray Telefiishanka Aljazeera.

Maraykanka ayaa ka shakisan in Weerarkaa ay ku lug leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Ciraaq, laakiin Boqollaal ka mid ah dibed-baxayaasha reer Ciraaq oo Fadhiisimo ka samaystay Albaabka Aagga Cagaaran ee Magaalada Baqdaad ayaa Salaasadii Shalay dalbanayey in Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq laga saaro, halka Maraykankuna doonayo inuu kuwii sii joogay ku soo kordhiyo 750 askari.

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump oo ka jawaabaya weerarka lala beegsaday Safaaradda Ciraaq ayaa sheegay in dibed-baxayaashu wax masuuliyad ah ku lahayn weerarkaasi, balse ay ka dambayso Dawladda IRAN, sida uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*