Latest News

Al-Shabaab Oo Isku Dayday Inay Weerar Arbush Ah Ku Hakiso Doorashada Ka Socota Baydhaba

Baydhabo, November 30, 2021 (Haatufonline) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa ujeedadi ay kooxda Alshabaab ka lahayd labdi weerar ee ay xalay kusoo qaadeen goobo ku yaala magaalada Baydhaba ee caasimadda dawlad goboleedka Koonfur Galbeed taasoo aheyd inay xasilooni daro iyo cabsi ku dhex abuuraan dadweynaha ku dhaqan Baydhaba iyo nawaaxigeeda si ay joogsato doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee ka bilaabantay Koonfur Galbeed.Hase yeeshee weeraradaasi wax saamayn kumay yeelan geedi socodki doorashada oo waxay maantaba si habsami leh uga socotaa Baydhaba waxAna lagu soo waramaya in xaaladdu degantahay.

 

Connect with us on Facebook