Latest News

Wefti Ka Socda Midowga Yurub Oo Soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa, November 29, 2021 (Haatufonline) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalaamka ee Somaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Egal International Airport waxa uu ku qaabilay wefti Wefti ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub.

Weftigan ayaa waxa hogaaminayey Mr Tiina Intelmann oo ah safiirka Midowga Yurub iyo Mr. Per Lindgärde safiirka Sweden.

Weftigan ayaa hawlo shaqo u yimid dalka Somaliland, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan Ha’yadaha dawladda Somaliland.

Connect with us on Facebook