Latest News

Alshabaab Oo Bilowday Inay Arxan Daradii Ay Ku Caanbaxday Kula Dhaqanto Dadka Laaska Ku Nool.

Laascaanood,February 14 2023(Haatufonline)-Siday noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ka cudurdaartay inay is-magacaabaan, dagaalyahanada Alshabasb ee ku sugan magaalada Laascasnood ayaa durtaba bilaabay inay cadaadiskii iyo arxan daradii ay ku caanbaxeen kula dhaqmaan dadka shicibka ah ee wali ku sugan magaalada iyadoo dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa ay intooda badani ka qaxeen magaalada ka hor intii uu aanu dagaalku ka qarxin lixdii bishan.

Hadaba subaxnimadii maanta ayaa mid ka mid ah horjoogeyaasha Alshabaab oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Madoobe uu gacantiisa ku toogtay Yuusuf Quuje oo ah nin reer Laascaanood ah ka dib markii uu Cabdi Madoobe ugu tagay inuu sii daayo gabadh uu dhalay oo uu ku xidhay guri. Yuusuf Quuje oo isagu ka mid ah maleeshiyo ka barbar dagaalanta kooxda Alshabaab ee ku sugan laascaanood ayaa markii uu aadayey gurgii ay inantiisu ku xidhnayd waxa uu sii kaxaystay dablay hubaysan. Hasayeeshee Cabdi Madoobe ayaa xabbad aayar iskaga dhuftay Quuje kasoo loo qaaday cusbitaal ku dhinaca Garowe ah. Dagaalyahanada Alshabaab ayaa lasoo warinaya inay taladii kala wareegeen isimadii dhaqanka iyo maleeshiyo beeleedkii ay lawada dagaalamayeen ciidanka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*