Latest News

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Jawaabay Dagaalka Maalintii Todobaad Lugu Soo Qaaday.

Hargeysa, February 12, 2023 (Haatufonline) -Ciidanka Qaranku waxa fulinaya amarkii Xukuumada Somaliland hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada oo ku sugaan Xeryahooda.

Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:

  • Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL.
  • Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.
    Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, waanu ku guulaystay waanu jabiyay Cadawgii Argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday.
    Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda

Sidoo kale aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka Colaadeed, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranku waa diyaar sidii horeba ay casharada Xanuunka kulul ugu dhufan jireena waa ula diyaar cida ku soo duusha.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, hadana waxa ku jiraa difaac adag, cadawgana waxa gaadhsiinayaa khasaare badan.

Warbaahinta Ciidanka Qaranka JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*