Latest News

Alshabaab Oo Godki Aadan Yabaal Biyo Ugu Galeen

Mabaax,December 4,2022(Haatufonline)-Waxa la filaya in ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda Somalia ay saacadaha soo docda gacanta ku dhigaan Aadan Yabaal oo ah xarunti ugu wayneyd ee kooxda Alshabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelada Dhexe ka dib markii dhinac walba laga hareereeyey.

Sida uu sarkaal militari ah oo la yidhaa Saney Cabdulle Gaab u sheegay warbaahinta waxa ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda uu suurto galay dhawrkii maalmood ee u dambeeyey inay la wareegaan difaacyadii Alshabaab ee ku xeernaa Aadan Yabaal sida Guulane,Daausalaam iyo Mabaax iyadoo ay Aadan Yabaal u jiraan masaafad 7 Km.

Wararkii u dambeeyeyna waxay sheegayaan in ciidamada Macawislayda iyo dawladdu ay gudaha u galeen Aadan Yabaal kadib markii ay halkaas iskaga baxeen Shabaabku iyadoo kooxda Alshabaab ay baryahan dambe caadaysatay inay iska ilaaliso dagaalada foolka foolka ah si aanu khadaare badani usoo gaadhin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*