Latest News

Maraykanka Oo Badda Cumaan Ku Qabtay Dooni Yaman U Siday 50 Ton Oo Hub Ah

Qaahira,December 4,2022(Haatufonline)-Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa Khamiistii meel ku dhaw biyaha dalka Cumaan ku qabtay dooni lagu kaluumaysto oo dalka Yaman u siday 50 Ton oo hub noocyo kala duwan ah.

Sida lagu sheegay war Sabtidii kasoo baxay taliska qaybta shanaad ee maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, waxa laga helay doonta la qabtay hub isugu jira rasaas kala nooc nooc ,qoryaha baasuukaha iyo fuyuusyo iyadoo ay doontaasi maraysay khadka badda ee looga kala goosho Iiraan iyo Yaman. Waa markii labaad ee muddo bil gudaheed ah ay ciidamada badda ee Mayaraykanku hub sharci daro ah gacanta ku dhigaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*