Latest News

Gudd Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Ku Taliyey In La Toogto Ganacsadaha Lacag Siiya #Alshabaab

Bosaaso,July 27,2021(Haatufonline)-Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Abdilatiif Muuse Nuur oo booqasho ku jooga magaalada Bosaaso ayaa ku taliyey in dariiqa lagu toogto ganacsadaha la ogaado inuu lacag siiyey ururka Alshabaa si arintaas looga waantoobo.

Guddoomiyuhu waxa uu ganacsatada ugu baaqay  in aanay habayaraatee  siinin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan laakiinse lacagtoodaasi lagu gumaadayo dadka shicibka ah waxaanu sheegay in lacagaha ay ganacsatadu siiyaan Al-Shabaab iyo Daacish ay argagixisada ku sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee ay caadaysteen inay dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed kula kacaan.

Mr Nuur waxa uu daboolka ka qaaday in ururada argagixisadu ay lacagta ugu badan ka helaan suuqa Bakaaraha ee Muqdishu iyo suuqa Boosaaso.

 

Connect with us on Facebook