Latest News

#Alshabaab Oo Maanta Laga Qabsaday Xarumo Ay Ku Lahaayeen Shabeellada Hoose

Afgooye,December 12,2021(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa laga qabsaday xarumo ay ku lahaayeen tuulooyinka Gambary,Dawacaale iyo Geediyaan oo dhamaantood ku yaala gobolka Shabeellada Hoose kadib marki ay ciidamada dawladdu saaka weerar qorshaysan ku qaadeen goobahaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo weerakan ka hadlay ayaa waxay sheegeen in cagta la mariyey fadhiisimo ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen isla markaana ay ciidamada dawladdu la wareegeen gacan ku haynti sadexdaasi deegaan.

Ciidamada dawladda ayaa sida la sheegay waxa u qorshaysan hawlgalo la rabo in lagu naafeeyo kadibna laga safeeyo xoogaga Alshabaab ee wali ku sugan qaaar ka mid ah deegaanada Shabeellada Hoose.

Connect with us on Facebook