Latest News

Beenti Farmaajo Kadib Qadar Waxay Kenya Qandaraas Ku Siisay Ciidamada Ilaalin Doona Garoomada Ciyaaraha Koobka Aduunka 2022.

Dooxa,December 12,2021(Haatufonline)-Dawladda Qadar ayaa dalka Kenya qandaraas ku siisay ciidamada ilaalin doonaa garoomada kubadda cagta ee lagu qaban doono ciyaaraha Koobka Aduunka kuwaasoo ka dhici doona magaalada Dooxa sanadka 2022.
Sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Amniga Gudaha ee Kenya Fred Matiang’i oo ka hadlay munaasabad lagu xusayo maalinta qarannimada Qadar oo Jimchii lagu qabtay safaardda Qadar ee Nairobi aya wuxu sheegay in adeegan lagu sugayo ammaanka Koobka Aduunka ay isku afgarteen madaxda dawladda Qadar kadib markii uu dhawaan dalkaasi booqasho ku tagay ee uu hakaas kula kulmay Raiisalwasaaraha Qadar ahna Wasiirka Daakhiliga Sheekh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdulcaziiz Aal-Thaani.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa sanaki 2018 ilaa 2019 dhawr kun oo dhalinyaro ah u diray dalka Eriteriya kadib marki dhalinyaradaasi loo sheegay in la gaynayo dalka Qadar si loo siiyo tababar ciidan ka dibna laga shaqaalaysiiyo dalka Qadar si ay u ilaaliyaan garoomada ciyaaraha Koobka Aduunka 2022.

Sida la ogsoonyahay dawladda Qadar oo ka mid ah labada dal ee aduunka gaska ugu badan dibadda u dhoofiya ayaa aad u danaynaysa xidhiidhka Kenya iyadoo ay Qadar sheerar ku leedahay shirkadaha Total iyo Eni ee gaska iyo saliidda ka baadhaya biyaha xeebta Kenya,iyo waliba biyaha badda ee ay Kenya iyo Somalia ku murunsanyihiin.Inkastoo Maxkamadda Aduunku ay dhawaan Somalia u xukuntay buqcadi lagu muransanaa hadana Kenya ayaa go’aankaasi ku tilmaamtay mid aan u cuntamayn oo wax-ka- soo qaad lahayn.Qadar oo meeshii gas lagu sheegaba danaysa ayaa doonaysa in Kenya iyo Somalia wada hadashiiso si ay murankaasi xal ugu gaadhaan.

Connect with us on Facebook