Latest News

Qadar Iyo Erdogaan Oo Ka Shaqaynaya Kulan Dhexmara Farmaajo Iyo Kenyaata Si Xal Kama Dambays Ah Looga Gaadho Muranka Badda.

Istanbuul,December 12,2021(Haatufonline)-Dawladda Qadar iyo madaxweynaha Turkiga Dayib Erdogaan ayaa ka shaqaynaya sidii loo kulansiin lahaa madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Somaaliya Farmaajo iyo mydaxweynaha Kenya oo labadooduba la filayo inay ka qaybgalaan shirweynaha madaxda Afrika iyo Turkiga uga furmi doona magaalada Istanbuul 16 ka bishan.Ujeedada ka dambaysa qorshahan Turkiga iyo Qadar ayaa sida la sheegay ah sidii ay Farmaajo iyo Kenyaata xal kama dambays ah uga gaadhi lahaayeen arinta ku saabsan xuduuda badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya oo labada dal mudo dheer ku muransanaayeen.Inkastoo ay Maxkamadda Aduunku ay dalka Somalia u xukuntay buqcadda lagu murunsanaa inteedii badnayd haddana dawladda Kenya ayaa gaashaanka u daruurtay xukunkaasi oo diiday inay marnaba u hogaansamin.Dawladda Qadar oo ay saaxiib dhaw yihiin Turkiga iyo Farmaajo ayaa dano waaweyn oo dhinaca gaska iyo saliida ahi kaga xidhanyihiin in Somalia iyo Kenya xal ay isla ogolyihiin ka gaadhaan murankooda badda oo saameyn ku yeeshay gaska iyo saliidda ay shirkadaha Total iyo Eni ka baadhayaan xeebta u dhaxaysa Kenya iyo Somalia.
Muranka badda ka sakow,Mr Farmaajo ayaa lasoo warinaya inuu danaynayo la kulanka Kenyaata si uu iskaga maslaxo in aanu doorashadiisa carqaladayn oo aanu la safan mucaaridka Muqdisho.

Shirkan oo noqon doona kii sadexaad ee noociisa ah ee dawladdu Turkigu qabato ayaa waxa la filaya inay kasoo qaybgalaan madax heer madaxweyneyaal iyo wasiiro ah oo ka kala socda dalalka Afrika, waxaana inta badan lagaga hadlaa ganacsiga ka dhaxeeya Turkigu iyo dalalka Afrika oo lagu qiyaasay inuu gaadhay $25 bilyan sanadkii oo u badan alaabooyin ay Turkigu u dhoofiyaan Afrika.Turkiga oo sanadjii 2002 Afrika ku lahaa 12 safaaradood ayaa hadda safaaradihiisa Afrika marayan 43.Waxaseh Turkiga lagu dhaliila inay yartahay maalgalinta gancsi ee wax soo saarka leh ee uu Afrika ka hirgaliyey marka la barbar dhigo faaidada dhaqaale ee uu Afrika ka helo.Tusaale ahaan dalka Somalia oo Turkiga kasoo iibsada badeecado kala duwan oo lagu qiyaaso ilaa $400 milyan sanadki ayaan Turkigu ilaa hadda ka hirgalinin warshad kaliya oo wax soo saar leh.

Connect with us on Facebook