Latest News

Alshabaab Waxa Lagu Soo Afjari Karaa 2 Sano Maaha Ee Waa Halgan Riiq Dheer

Faallo

Muqdisho,December 28,2022(Haatufonline)-Ururka Alshabaab wuxu shan iyo tobanki sanadood ee u dambeeyey ku xididaystay deegaano balaadhan oo ka mid ah dalka Somalia, mana aha dagaalka lagula jiraana mid sanad ama sanado tiro yar ku dhamaan karaya. Waxase hubaal ah in hadii uu sii socdo kacdoonkii hubaysnaa ee ka dhanka ahaa Alshabaab ee ka curtay gobolka Hiiraan badhtamihii 2022 in aakhirka Alshabaab laga guulaysan doono .Hasayeeshee dagaalka lagula jiro Alshabaab inuu riiq dheeraado waxa keenaysa waayo-aragnimadooda dagaal iyo xidhiidhada mudada dheer soo jiray ee ay ku leeyihiin deegaanada kala duwan ee gobolada Somalia iyo aqoonta dhuleed ee ay u leeyihiin.

Dagaalka hadda socda waxaynu arkaynaa Alshabaab oo intay ciidamada Macawislayda iyo kuwa Dawladda Somalia ay ka saareen magaalo ama tuulo hadana kasoo jeedsanaysa meel aan ka fogayn halkii hore ee laga saaray. Waxa kale oo ay sameeyaan in meelaha qaarkood ay iskood uga baxaan oo ay ciidamada Macawislayda iyo Dawladda u baneeyaan si ay usoo galaan (Aadan Yabaal oo kale) oo halkii khasaare xoogani kasoo gaadhi lahaa dagaal fool ka fool ah waxay ka doorbidaan dib u gurasho xeeladaysan. Hadii goob xoog lagaga saaro ama ay iskood uga baxaan labada siyoodba waxay ogyihiin in ciidamada kasoo horjeedaa aanay wali lahayn awood ay ku baacsan karaan. Sidaas darteed meel fog ma tagaan ee waxay sugaan fursado ay ciidamadaasi ku curyaamiyaan sida weeraro gaadmo ah oo ay ku qaadaan ama jidgoyn ay u galaan ama miinooyin ay wadada u dhigaan.

Dhinaca kale Alshabaab waxay ku xididaysatay magaalada ugu muhiimsan Somalia ee Muqdisho oo aanay wali xukuumadda madaxwyne Xasan Sheekh iyo dadka deegaanku bilaabin hawlihii lagu cidhibtiri lahaa shabkadaha argagixisada Alshabaab uga dhisan gudaha iyo nawaaxiga Xamar. Waxa kale oo jira 2 arimood oo ay ilaa hadda qabyo ah oo ay Xasan Sheekh iyo wadaada Somalia ka meeraysanayaan kuwaasoo kale ah dakhliga mudakarka ah ee Alshabaab kasoo gala dhamaan gobolada Somalia iyo wacyigalintii diineed ee bulshada lagu baraarujin lahaa khawaarijnimada Alshabaab iyo sida khaldan ee ay u adeegsato diinta Islaamka .

Alshabaab waxa lagaga guulaysan karaa iyadoo ciidan ahaan la naafeeyo,ilaha dhaqaala ee ay ku tiirsantahay oo xididada loo saaro iyo bulshada oo miyi iyo magaalaba laga horkeeno, waxaana loo baahanyahay in loo dhabar adaygo oo aanu kala go’in dagaalka nooc nooca ah ee mudada dheer qaadanaya ee lagaga hortagayo Khawaarijka mana qumana in dagaalkan dadka looga dhigo wax laba sano ku dhamaanaya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*