Latest News

Somaliland Waxa Ku Socda Dagaal Aanay Dhaadin Oo Khatarteeda Leh

Ibraahim Caydiid

Somaliland waxaa ku socda Dagaal aanay dhaadin wax qorshe ah oo Shicib & Dawlad laga diyaarsadayna aanu muuqan oo khatarteeda leh .Dalka Mashaariic lagu horu marinayo ayaa ka socda laakiin Dadkii weerar wakhti & Maaliyadba la gelinayo oo qaybo dadkeedii ka mid ah loo adeegsanayo oo aan la dhayalsan karin ayaa ku socda.

Xalay waxaa shiray Dad hanjabayey oo Saxaafad sheeganaya oo Coldoon garab taagnaa kuwaas oo inta hogaaminaysa meel laga soo wada shidaaliyo walaw ay ku jiraan qaar qaylada uun iska raacinaya oo ayagu aan wax badan ogayn.Saxafi Gaadhi iibsanaya oo Daaro dhisanaya oo sidii Ganacsatada u nool maanta ka hor maynaan arag, waxay ku heleena maaha saxaafad ee waa Basaasnimo loogu shaqaynayo umado kale oo Dadkeena ahayn oo Dalkeena weerar ku ah ujeedooyin fog oo durugsana leh.Runtii waxaynu arkaynaa Saxaafad maahee waa Budhcad dhiigeena & Dalkeena inay masaariifsato heshiis ku ah, waxaana inala gudboon Nin waliba inuu calala aqal Mobile kiisa yar Gurigiisa & Mustaqablka Caruurtiisa uu iskaga ku difaaco oo aanu u eegin qabyaalad & maruufad kale because cadawgu qabiil & macruufad midna ma laha ee waa caddaw.

30 Qof oo been quuta oo sida Baabuurta istaanka Kiro u taagan oo kolba cidii lacag ku shubtaa ku shaqaysanayso ayaa Saxaafad inoo sheegtay. Dadka kooban ee shalay Qolka isku Urursaday ee inay Saxaafad yihiin inoogu hanjabayey badankoodu waxay wadaagaan wax badan.

1) Waa qaar Guryo si khaldan ku dhistay oo la shaqaynayey Dawlada Somalia & Sirdoonkeeda oo wararka ay fidiyaan 60% ugu shaqeeya Dalal kale halka 40% ay ku taraxaan wax kale si ay dadka u khaldaan oo aan loo fahmin.

2) Qaar kale oo dhalin yaro ahi lacago Dawlado Ajnabi ah & Siyaasiyiin local ahiba ay siiyeen ayey ku guursadeen iminkana lacagihii sida saaxiibadood ay Guryaha ku dhisanayeen ayey inaga dhex raadinayaan oo ay dedaal ugu jiraan. Waxa lacagaahaa & Guryahaa lagu helay ee kuwa cusubina ay hada ku raadinayaan waa wixii umada ka dhaxeeyey oo Qarranimadii ah oo la iibsado, Dadkii oo la isku diro & umadii oo la qaybiyo si hadhaw ay u fududaato inuu Cadawgu ka guulaysto. Mihinadaha ay Dadka Cadawgu ku shaqaysanaayo ee lacagta ina dhaafsanayaa ay sheegtaan waxaa ka mid Dad sheeganaya Saxaafiyiin, Culimo & Abwaano. Sidoo kale meelaha ugu jilicsan ee Dadka ay ka soo gelayaan ama ay abaayaan waxaa ka mid ah Diinta oo si khaldan loo isticmaalo & Qabyaalad umada lagu kala qaybiyo labadaa arimood oo runtii labadaba ay Dadkeenu u nugul yihiin. Tusaale ahaan Qofkii oo ay muuqato inuu been sheegayo oo ficilkiisa & hadalkiisu aanu is lahayn ayaa sida Coldoon intuu Aayado Quraan ah & Axaadiis akhriyo shaqadiisii runta ahayd ku dhex qarinaya oo inta fahmi kastaana ay tahay in aad u kooban because maanta waxaa Dadka ku badan indhow-garadka sanqadha & Siigada uun eeganaya ee isagu aan waxba is waydiin si fududna wax loogu shuban karo. Dar-daaranIndheer-garadka daacada ah ee aan xumaanta indheer-garad u ahayn & Madaxda Dawladaba waxaan kula dardaaramayaa inaan waxa inagu soconaya la dhayalsan oo aan la daawane Dadka & Dalka loo gurmado. Dadka kooban ee xumaata isu bahaystay ee intii wanaagsanaydna inaga fasaqaya waxaa sax ah in laga hor tago, hadii kale Dalka Dad la,aan & Mustaqabal xumo ayaa umada ku dhici doonta oo mar kale ayaa waxaynu ku Dad & Duunyaba beelnay aynu si fudud ku waayi doonaa oo la ina dhaxal wareejin doonaa.

Dawladu Dalka oo qudha dhismihiisa haday ka fikirto oo ay Dadka la doorinayo ee lagu dhex jiro Mustaqablkooda ka fikiri waydo walaahi khasaare wayn ayaa iman doona oo maalin kale oo aan waxba laga qaban karin ayaa farta dhexda laga qaniini doonaaye maanta ha laga hor tago.Waar maanta ayey wax ka qabasho leeyihiine ha la iska dhiciyo budhcada inoo shuraakoowday Magacyada wanaagsan ee beenta ah intay la baxday dhaqankii & Diintiiba baabiinaysa.Allahayoow Nin Daacad ah Allahayaw Nin Daallin ah Deeqdaada ha u simin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*