Latest News

Amiir Sugahii Alshabaab Cabdilaahi Nadiir Iyo Ibrahim Xasan Daahir Aweys Oo Lagu Dilay Duqeyn

Muqdisho,October 3,2022(Haatugonline)-Cabdillaahi Nadiir oo loo carbinayey inuu dhaxlo kursiga Amiirka Alshabaab Axmed Diiriye ayaa waxa la xaqiijiyey in lagu dilay duqeyn cirka ah bishan kowdeedi.

War rasmi ah oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Somalia ayaa waxa lagu sheegay in Cabillaahi Nadiir lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubada Dhexe oo ay iska kaashaden ciidanka Somalia iyo saaxiibayaasha ay Somalia ku leedahay beesha caalamka taasoo inta badan ay ula jeedaan dalka Maraykanka oo Somalia taageero ka siiya la dagaalanka argagixisada Alshabaab.

Dhinaca kale ilo ku dhaw dhaw Nisa oo ah hayadda sirdoonka u qaabilsan Somalia ayaa xaqiijiyey in sido kale duqayntaasi uu ku dhintay Ibrahim Xasan Daahir Aweys.Dhimadhada Ibraahim waxa isna xaqiijiyey Aabihi Daahir Xasan Aweys oo baraha bulshada lagu arkay isgoo ooyaya oo ka xun dhimashada wiilkiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*