Latest News

Al-Shabaab Oo Laga Qabsaday Deegaanka Yasooman Iyo Abaabul Beeleed Oo Ay Ka Bilaabeen Shabeelaha Dhexe

Hiiraan, October 4, 2022 (Haatufonline) – Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa maanta lagala wareegay deegaanka Yasooman oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada dawlada Somalia oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawislay ayaa gudaha u galay, waxaana halkaasi iskaga baxay Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi Yasooman.

Deegaanka Yasooman ayaa la sheegay inuu yahay deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan oo leh afar wado oo u kala goosha dhamaan deegaanada bari ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Ururka Alshabaab ayaa deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada dhexe ka bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaailka, si ay dagaal ugala hortagaan ciidanka dowladda Somalia ee ku wajahan dhulka uu Shabaabku haysto.

Warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa lagasii daayay sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dad lagu sheegay inay yihiin odayaasha dhaqanka beesha Abgaal, iyagoo ku dhawaaqay waxay ugu yeereen iska caabin dagaaal oo ka dhan ah duullaanka dowladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa kulankaan u abaabulay, kadib markii beesha Mudulood ay ku dhawaaqday dagaal ay Alshabaab kaga xoraynayso gobolka Shabeellada dhexe iyo deegaannada kale.

Xildhibaanno iyo saraakiil ciiddan oo kasoo jeeda beeshaas ayaa horkacaya ciidamo aad u farabadan iyo gaadiid dagaal oo xalay ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaas oo gaaray degmada Cadale.

Ciidamadan ayaa la filayaa inay billaabaan dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana loo arkaa abaabulkii ugu xoogganaa ee beesha Muduloood ku doonayso inay Shabaab dhulkeeda uga xorayso, si lamid ah gobolka Hiiraan oo shacabkooda iska xoreeyeen Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*