Latest News

Amiirada Khaliijka Yaa U Sheega In Harimacadku Rabaayad Galin Hadii La Xidhana Aanu Muddo Dheer Noolaan

Haatufonline,August 7,2023 –

Hore waxa loo xaqiijiyey in Harimacadkii ku noola qaraadda Afrika qarka uu qarka u saaranyahay inuu dabargo’o oo waliba ay Geeska Afrika ay ka dilaaceen kooxo dhasha Harimacadka sifo sharci darro ah uga ganacsada oo u dhoofiya dalalka khaliijka. Dhasha waxa lasoo xadaa iyagoo dhawr todobaad ama 2 bilood gaadhin sababta oo ah Amiirada iyo Maalqabeenada Khaliijka ayaa jecel inay rabaayad ka dhigtaan, waxaanay ku bixiyaan lacag badan oo dhiirigalisa in ganacsigan foosha xumi sii socdo.
Laakiin suaashu waxay tahay Harimacadku ma rabaysmi karaa oo ma noqon karaa rabayaad guriga la dhigto?

Harimacadku si fiican uma rabaysmi karo xabsigana kuma tarmo muddo dheerna kuma noolaan karo oo wuxu u baahanyahay masaafado dhaadheer oo uu ordo taasoo uu caafimaadkiisu ku xidhanyahay.Waxa ka go’a timo aad u badan waanay adag tahay in guri lagula noolaado sababto ah kaadidiisa iyo saxaradiisuba waxay leeyihiin ur aad u adag.
Tirada ku dhimata silica dhoofgaynta ayaa ka badan inta gaadha Khaliijka oo xata kuwaas badankoodu 2 sano wax dhaafsiisan siima noolaadaan.
Horaa loo yidhi ‘Bisadna waa ka ciyaar Jiirna waa ka naf’. Imika nimankan kibray ee doonaya inay Harimacadka rabaayaad ka dhigtaan yaa u sheega inay ka qaybqaadanayaan dabargoyntiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*