Latest News

Amnesty International: Ciidamada Eritrea Oo Boqolaal Rayid Ah Ku Xasuuqay AXUM Gobolka Tigrayga Ethiopia

Nairobi, February 26, 2021 (Haatufonline) – Warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa tilmaantay in ciidamo ka socda Eriteriya ay si nidaamsan u dileen “boqolaal dad ah” oo u badan rag, dabayaaqadii bishii November, kaas oo ka dhacay magaalada Axum ee dalka Itoobiya.

Amnesty International waxa ay ku sheegtay warbixinteedii cusub, iyadoo ku celcelinaysa cadayntii ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press todobaadkii la soo dhaafay, oo dad ka badan 40 qofay cadeeyeen.

Madaxa hay’adda xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, ayaa sheegay in natiijada Amnesty “ay tahay in si dhab ah loo qaato.” Natiijada hordhaca ah ee ay soo saartay guddiga “waxay muujineysaa dilka dad aan tiradooda la ogeyn oo ay u geysteen askarta Eriteriya” magaalada Axum, ayaa lagu yidhi bayaankooda.

Warbixinta Amnesty ee arintan ku saabsan waxa laga yaabo inuu yahay xasuuqii ugu ba’naa ee ka dhaca Ethiopia ee rabshadaha Tigreega ayaa qeexaysa askarta rasaasta ku ridaya dadka rayidka ah markay cararayaan, iyagoo saf u galaya rag isla markaana dhabarka ka tooganaya, iyagoo isku soo ururiyay “boqollaal, hadaanay kumanaan ahaynba”.

“askarta Eriteriya waxay si badheedh ah toogasho ugu dileen dad rayid ah wadada dhexdeeda waxaanay guryaha ku sameeyeen baadhitaan guri-guri ah, iyagoo si sharci darro ah u beegsaday Ragga iyo Wiilasha,” warbixinta ayaa la sii daayay horraantii Jimcaha maanta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*