Latest News

Argentina Oo 2:1 Ku Garaacday Australia

Doxa, December 4, 2022 (Haatufonline) – Xulka Qaranka Argentine ayaa 2 gool iyo hal gool kaga badiyey dhigiisa Kubadda cagta ee dalka Australia.
Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Ahmed Bin Ali oo ka mid ah garoomada uu ka socdo tartanka koobka aduunka ee dalka Qatar.
Daqiiqadii 35aad ee ciyaarta ayaa goolkii kowaad waxa u dhaliyey Argentine laacibka Messi, halka qaybtii dambana uu u labeeyey Alvardez.
Hase yeeshee xulka dalka Australia ayaa hal gool la yimid daqiiqadii 77aad kaas oo uu u dhaliyey Fernandez.
Ciyaarahan koobka aduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa galay wareegii labaad ee 16ka oo toos la isku reebayo (the Knech out), xulkii laga badiyaana uu si toos ah uga hadhayo tartanka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*