Latest News

Askari Maydkiisii Kudaafad Laga Helay Oo Ku Biiray Dilalka Qorshaysan Ee Loo Aanaynayo Farmaajo Iyo Fahad

Muqdisho,May 17,2021(Haatufonline)-Waxa magaalada Xamar gilgilay dil foolxun oo loo geystay askari ka tirsanaan jiray hayadda nabadsugidda Somalia (Nisa)oo maalinti doraad isagoo la jidhdilay maydkiisii laga helay meel qashinka lagu ururiyo.

Askarigan oo ahaa will da’yar oo magaciisa la yidhaado Maxamed Mukhtaar(Maxamad Deeqow) waxa uu dhawaan kasoo goostay ciidanka Nisa waxaanu ku biiray ciidanka Badbaado Qaran.

Kadib markii ay dhamaatay xiisadii ka taagnayd magaalada Muqdisho iyo heshiiskii ay raiisalwasaare Rooble iyo mucaaridku wada gaadheen in ciidamadii Badbaado Qaran laga saaro magaalada isla markaana aanay dawladdu wax aargoosi ama ciqaab ah u gaysan ciidamadaasi ayaa siday la sheegay waxa marxuumka la dilay dhawr jeer lasoo xidhiidhay saraakiil ka tirsan Nisa oo marwalba ka dalbanayay inuu soo shaqo tago oo xafiiskooda yimaaddo taasoo uu marxuumku markasta ku gacan saydhayey.

Waxa intii uu dhacay heshiiskii ahaa in raiisalwasaare Rooble lagu wareejiyo arimaha doorashada iyo amaankooda isa soo tarayey tirada dilalka qorshaysan ee loo aanaynayo madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday M.C.Farmaajo iyo taliyaha Nisa Fahad Yaasiin iyadoo uu dilka Maxamed Deeqow noqonayo kii u dambeeyey ee dilaalkaasi ku biira waxaanay dad u dhuundaloola VillaSomalia ay ujeedada ka dambaysa dilalka noocan ah ku tilmaamen mid digniin iyo cabsigalin looga dhigayo raiisalwasaare Rooble in aanu ku talaabsan siyaasado aanay la ogayn ama raali ka ahayn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Dhinaca kale magaalada Mugdisho ayaa lagusoo waramaya inuu ka jiro guux farabadan oon la saadaalin karin waxa ka dhalan doona.

 

Connect with us on Facebook