Latest News

Mucjiso : Masaajid Ku Dumay AlShabaab Kadib Markii Ay Arbacadii Dadka Xoog Ku Afuriyeen

Jawhar,May15,2021(Haatufonline)- Deegaanka Warciise oo ku yaala duleedka magaalada Jowhar ayaa goor subaxnimo ah Arbacadii dhaweyd  ay argagixisada Alshabaab xoog ku afuriyeen dad soomanaa iyadoo ay ku qasbeen inay biyo cabbaan ka dibna ku ururiyeen Masaajid cusub oo dhawr bilood ka hor la dhisay.

Hadaba markii uu mid ka mid ah xubnaha Alshaab ku dhawaaqay takbiirtii ixraamka ayaa waxa kusoo dumay qayb ka mid ah Masaajidkii cusbaa.Siday dad goobjoogeyaal ahaa sheegeen dhismihii soo dumay waxa wax ku noqday qaar ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab balse may jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaadhay dadkii ay Alshabaabku Masaajidka kusoo ururiyeen taasoo dadweynuhu ku tilmaameen Mucjiso rabbaani ah oo  Alshabaab lagu tusayay khaladkooda hadii ay wax ku qaadanayaan.

Connect with us on Facebook