Latest News

Axmed Madoobe Oo Ciidamada Dawladda Somalia Ee Ku Sugan Gedo Ku Tilmaamay Jabhad, Uguna Baaqay Inay Gacanta Jubbaland Ku Soo Celiyaan

Muqdisho, December 7, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxa’ed Islaam [Axmed Madoobe] oo aalada Internetka kaga qeybgalay shir dhaxmaray madaxda Soomaalia iyo beesha caalamka ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya gacanta Jubbaland ku soo celiso gobolka Gedo.

Waxaanu Axmed Madoobe Ciidanka jooga Gedo uu ku tilmaamay inay yihiin Jabhad ka amar qaata Saraakiisha Nabadsugida dowladda federalka ee Soomaaliya.

”Heshiiskii aan galnay ee doorashada waxaa ka mid ahaa marka hore in dowladdu ciidamadeeda ka soo saarto gobolka Gedo ilaa iyo hadda taa ma dhicin ayuu yirdh Axmed Madoobe marka qoddobkaa la fuliyo oo kaliya ayaa la qaban karaa doorasho Jubbaland maamuleyso” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan in dhankooda aysan wali soo magacaabin guddiyadii laga rabay wuxuu sheegay in guddiyadaasi u magacaaban yihiin, balse marka hore loo baahnaa in wax laga qabto dalabkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali dhinaceeda wax jawaab ah ka bixin cabashada madaxweynaha Jubbaland ee la xidhiidha arrinta gobolka Gedo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*