Latest News

Ayman Zawaahiri Oo Lagu Dilay Meel Aan Laga Filayn Iyo Hubka Cusub Ee Loo Adeegsaday

Washington,August 2,2022(Haatufonline)-Guddoomiyihii Alqaacida Ayman Al-Zawaahiri ayaa Axadi dhaweyd lagu dilay dalka Afqaanistaan.
Alzawaahiri oo muddo 20 sanadood ku dhawaad ah ay Maraykanku ka raadinayeen dalka Afgaanistaan gudahiisa ayaa waxay dhawaan ogaadeen inuu joogo meel aanay kaba filayn oo ah guri ku yaala xaafad dadka ladani ay dagaan oo ku taala Caasimadda Afgaanistaan ee Kaabul.

Maraykanku waxay Al-Zawaahari ku ganeen gantaal lagu rakibay diyaarad Drone ah waxaanu cuskaday xili uu ku sugnaa barandaha gurigii uu degana,mana jirto cid kale oo wax ku noqotay iyadoo la sheegay in gantaalku ahaa noo cusub oo qaraxiisu galafto yoolka lagu jiheeyo oo kaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Biden oo hawlgalkan ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay in aanay ka hadhi doonin cid kasta oo waxyeelo u geysatay dadka Maraykanka meeshay doonaan ha joogaane.
Al-Zawaahiri ayaa ka mid ahaa dadki soo maleegay hawlgalki September 11,2021 ee ururka Alqaacida ka fuliyey magaalooyinka New York iyo Washington.Waxa kale oo Maraykanka u haysteen inuu ka dambeeyey qaraxyadi safaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadki 1998 iyo qarax lala beegsay markab dagaal oo Maraykanku leehaa xili u ku sugna dekadda Cadan sanadki 2000.

Connect with us on Facebook