Latest News

Mudaaharaadka Ujeedada Mucaaridku Waa In Lagu Dhinto Si Caalamku U Dhaleeceeyo Dawladda Somaliland

Hargeysa,August 3,2022(Haatufonline)- Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay kulan ay isku yimaadeen labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid ayaa sheegaya lagu gaadhay go’aan ah in la dhigo mudaaharaad hubaysan oo cidi ku dhimato si loogu shaabadeeyo xukuumadda Somaliland oo caalamkuna u maqlo.

Mucaaridka ayaa waxay isku qanciyeen in sida kaliya ee xukuumadda  loogu qancin karaa inay laasho ama dib u dhigto doorashada ururadu tahay in dhiig daato oo dabeeto caalamku soo faragaliyo oo ay culays ku saaraan madaxwyne Muse Biixi inuu ka noqdo doorashadi ururada oo markaas labada xisbi iyo madaxweynahaba mudo kordhin ay isla ogolyihiin loo sameeyo kadibna la qabto doorashadi madaxweynaha.

Lasoco war ku saabsan farsamooyinka cusub ee ay mucaaridku kula dagaalami doonaan bilayska

Connect with us on Facebook