Latest News

Baadhayaasha Homeland Security Oo Yusuf Tuke Xabsiga U Taxaabay

Washington,DC,November 19,2022(Haatufonline)- Baadheyaasha u shaqeeya Waaxda Homeland Security ee dalka Maraykanka ayaa Khamiistii xabsiga u taxaabay Yuusuf Cabdi ‘Tuke’ ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu dad rayid ah oo Soomaali ah u gaystay fal dambiyeedyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay ka mid ahaayeen dilal, jidh-dil iyo tacadiyo kale xiligii sideetamaatkii ee qarnigii labaataan.

Sanadkii 2021 ayaa maxkamad ku taala Virginia Tuke ku heshay dambi ah inuu jidh-dil ku sameeyey nin xoolo dhaqato ah oo reer Somaliland ,waxaanay Tuke ku xukuntay ganaax gaadhaya $500,000 oo la siiyo ninkii uu jidh dilay.

Tuke ayaa haataan muddo dheer ku noolaa dalka Maraykanka. Sanadkii 2019 ayaa telegishanka CNN kashifay in Tuke yahay Taksiile u shaqeeya shirkadda Uber .Sanadki 2021 waxa laga eryey shaqo wooshmaan-nimo ah oo uu ka hayey mid ka mid sh madaarada Maraykanka kadib markii ay soo shaac kiisaska foosha xun ere loo haystay.

Gaashaanle Tuke wucu ahaa taliyihii guutada shanaad ee ciidankii Somalia ee taliskeedu fadhiyey Gabilay,waxaana faldambiyeedyada uu gaystay ay dhaceen mudadi u dhaxaysay May 1987 iyo July 1988 xiligaas oo uu ahaa taliyaha guutadi 5aad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*