Latest News

Ethiopia Oo Bilawday Inay Tamarta Laydhka U Iibgayso Dalalka Jaarka La Ah

Addis Ababa, November 19, 2022 (Haatufonline) – Ethiopia ayaa sheegtay inay bilawday inay u dhoofiso laydhka ama korontada dalka Kenya oo ay wada galeen heshiis 25 sano ah.
Talaabadan ayaabtimid kadib markii Ethiopia horaantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay ka bilawday Laydh mashruuca biyo- xidheenka muranka dhaliyey ee wabiga Nile.
Ethiopian Electric Power (EEP) ayaa sheegtay in isku xidhika laydhka ee labada dal oo $500 million oo dollar ah uu awood uu yeelanayo inuu bixiyo 2,000 megawatts oo qiimihiisu sanadkii noqon doono $100 million.
Ethiopia ayaa hore korontada uga iibisa dalalka Sudan iy Djibouti, waxaanay heshiis isfaham la saxeexatay dalalka South Sudan, Tanzania iy Somaliland, sida ay sheegtay hay’adda korontada Ethiopia ee EEP.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*