Latest News

Baarlamaanka Somalia Oo Laba Sanadood U Kordhiyey Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho, April 12, 2021 (Haatufonline) – Baarlamaanka Somalia ee mudo xileedkiisu dhamaaday  ayaa isku raacay shirciga jiheynta doorashooyinka Qaranka iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in  in muddo 7-bilood ah oo ka bilaabaneysay 1-ka November 2020 Ku siman 8-da February

2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karayey doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay in 153 Xildhibaan ay joogeen golaha, isla markaana 149 xildhibaan ay ogolaadeen in laba sanadood lagu hirgaliyo doorasho Somalia ka dhacda, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan, halka ay diidaan 3  xildhibaan kale sida uu natiijadaas ku dhawaaqay.

Sharcigan ay Baarlamaanka ansixiyeen ayaa ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn doonto mudada Labada sano ah ee nagu soo foolka leh.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*