Latest News

Baqdaad: Saldhiga Maraykanka Ee Taji Oo Mar Kale Gantaalo Lagu Weeraray

Baqdaad, March 14, 2020 (Haatuf) – Tiro kale oo gantaalo ah ayaa lagu weeraray saldhig milatari ee Taaj oo Maraykanku uu ku leeyahay  dalka Ciraaq. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Saldhiga Milatariga Maraykanka ee Taaji oo 20 kiiloo mitir waqooyi kaga began caasimada Ciraaq lagu qaado mudo todobaad ah, inkastoo aan wali la soo sheegin wax khasaare ah.

Kornayl reer Ciraaq ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay ugu yaraan toban gantaal oo lagu soo weeraray saldhiga Taaji, oo sidoo kale Arbacadii weerar kale oo lagu soo qaaday ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan iyo Ingiriis isugu jira.

Hase yeeshee weerar aargudasho ah oo Jimcihii uu Maraykanku ku qaaday bartilmaameedsaday xarumo milatari oo ay leeyihiin kooxda Kataib Xisbullah, oo ah maleeshiyo ciraaqiyiin Shiico ah.

Waxaana Weerarkaasi ku dhintay Dadka shcibka ah iyo askar ka tirsan dawladda Ciraaq  oo ay ku jiraan shaqaale dhisayey madaar ku yaala magaalada Karbalka.

Dawladda Ciraaq ayaa cambaaraysay weerarka dhinaca cirka ah ee Jimcihii shalay Maraykanku uu qaaday, waxaanay uga digeen in cawaaqib xumi uu ka dhalan doono xadgudubyada ka dhanka ah madaxbanaanideeda iyo bartilmaameedyada garedarada ah ee ka dhanka ah ciidamadeeda qalabka sida.

Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Salih ayaa sheegay in xadgudubyada soo noqnoqda ay sababi karaan in Ciraaq ay noqoto dal fashilmay dibna usoo nooleeya ISIS.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa iyaduna ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay ku sheegtay inay dacwad ugu gudbineyso Qaramada Midoobay, iyadoo u yeedhay safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska u jooga dalkaasi si ay sharaxaad uga bixiyaan weeraradaasi ay ku dhinteen dadka shacabka ah iyo askar dawladda Ciraaq.

Balse Maraykanka ayaa difaacay weerarada cirka, isagoo sheegay in dhamaan shanta goobood ee ay bartilmaameed ay yihiin xarumo kooxda Kataib Hezbollah ay ku kaydsadaan hubka si ay weeraro ugu qaadaan xarumaha ciidamada isbahaysiga ee Maraykanku hogaamiyo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*