Latest News

Madaxwaynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Magacaabo Guddi Heer-Qaran Ah Oo Ka Hawlgasha Ka Hortaga Caabuqa Coronavires (COVID 19)

Hargeisa, March 14, 2020 (Haatuf) – Sida ay xaqiijiyeen xogo uu helay Haatuf, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda magacaabi doono guddi qaran oo ka hawlgasha ka hortaga caaquqa Coronavires oo loo yaqaano COVID 19, kaas oo kiisaskii u horeeyey shalay laga helay dalalka Ethiopia iyo Kenya oo Somaliland xidhiidh fiican oo isku socod iyo ganacsi leeyihiin.

Sida la sheegay guddidan ayaa ka koobnaan doonta aqoonyahano iyo dhakhaatiir khibrad u leh cudur-kaas oo dunida Jaha-wareer wayn ku riday, isla markaana dhaawac-wayn gaadhsiiyey dhaqaalihii dunidda.

Dhinaca kale dalal badan oo ka mid ah caalamka oo la tacaalaya caabuqa Covid 19 ayaa  magacaabay  guddiyo qaran (National Covid 19 Committee), iyadoo talaabooyinkaasi muujinayaan baaxada khatarta xanuunkani leeyahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*