Latest News

Bashiir Maxamed Qoorgaab, Madixii Hawlgalada Al-shabaab Oo La Dilay

Sakow, March 8, 2020 (Haatuf) – Bashiir Maxamed Qoorgaab oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada al-shabaab ayaa lagu dilay weerar duqayn ah oo ka dhacday deegaanka Saakow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliska milatariga dalka Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa maanta xaqiijiyey in hoggaamiyahan sare ee ka tirsan ururka Alshabaab lagu dilay duqayn bishii hore.

Sidoo kale dhimashada Sarkaalkan ayay xaqiijiyeen qoyska Qorgaab.

Dawlada Maraykanka ayaa hore madxiisa u dul dhigtay lacag gaadhaysa 5 Milyan oo dollar taas oo loo balanqaaday qof kasta oo soo gudbiya xogo, fududaynaya qabashadiisa ama dilkiisa.

Mr Qoorgaab oo da’diisu ahayd 37 ayaa aad ugu dhawaa hoggaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-qaacida, kaas oo la filayo in geeriddiisu ay saamayn karto meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah.

Siday ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadku, Qoorgaab ayaa ahaa abaanduulaha guud ee Ururka Alshabaab.

Waxaana sidoo kale la sheegay inuu ahaa madixii hawlgalada laga fulinayo dalka Kenya qaabilsanaa, kaas oo ururku uu ka fuliyey hawlgalo xoogan.

Qoorgaab ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Golaha fulinta, waxaanu si gaar ah u qaabilsanaa weerarada xerooyinka ciidanka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*