Latest News

Uhuru Kenyatta Oo Wasiirka Amniga Usoo Diray Somalia Si Uu Ula Kulmo Farmaajo

Muqdisho, March 8, 2020 (Haatuf) – Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya Fred Matiang’I ayaa maanta oo Axad ah la kulmay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, si ay uga wadahadlaan xiisada dhinaca xaddka ah ee todobaadadii u dambeeyey ka dhex aloosan labada dan.

Mataingi ayaa waxa soo diray Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo hoggaaminaya wafti heersare ah si labadan dal loogu raaxiyo laga gaadho murankii u dambeeyey ee u dhexeey.

“Waxa jiray dhibaatooyin dhinaca ahaamka ah oo ka taagnaa xadka Somalia iyo Kenya ay wadaagaan, masuuliyiima sare oo aan ku jiro ayaa la kulmaya Madaxweynaha Somalia, si aanu meesha uga saarno arimaha ka taagan xadka labada dhinac,: ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya Mataiang’I oo qoraal kooban soo dhigay Twitter-ka.

Xiisada u dhaxaysa labada ayaa timid kadib markii ay dhawaan dagaalameen ciidamada Jubbaland iyo kuwa dawladda Federalka ee Somalia, kaas oo ka dhacay xuduuda labada dal, gaar ahaana Buula-xaawa oo u dhow Mandheera.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ku dhaawacmay toban qof oo lix ka mid ahi ay shacab ahaayeen sida ay ku waramayaan warbaahinta Maxaliga ah ee Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*