Latest News

Bayern Munich Oo Harry Kane Ku Baayacaysa $120M Iyo West Ham Oo Maguire Ku Iibsanaysa $38M

London,August 9,2023(Haatufonline) – Horyaalka Bundesliga ee Jarmalka Bayern Munich ayaa Kabtanka England ahna laciibka naadiga reer London ee Tottenham Spurs Harry Kane ku baayacaya 120 milyan oo Doolar si ay ula soo wareegaan inta aanay dhicin mudada loo qoondeeyey kooxaha kubadda cagta ee Yurub inay ciyaartowga kula kala wareegi karaan. Sida lagu sheegay war laga soo xigtay Skynews, Bayern Munich ayaa dhawaan Naadiga Tottenham kula baayactamay inay Harry Kane kaga iibsadaan $110 milyan laakiin Tottenham ayaa sicirkaas ganafka ku dhuftay. Waxaseh soo shaacbaxaya in Bayern Munich kordhiyey qiimihii uu markii hore soo bandhigay oo uu hadda ka dhigay $ 120 milyan. Lama oga ilaa hadda in labada dhinac ay heshiis kama dambays ah ka gaadheen arintan.

Dhinaca kale labada naadi ee West Ham iyo Manchester United ayaa mabda’iyan ku heshiiyey in West Ham $38 milyan ka bixiyo la-wareegista lacabka ka ciyaara khadka difaaca Man United ee Harry Maguire.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*