Latest News

Bilayska Ingiriiska Oo Raaligalin Ka Bixiyey Nin Reer Somaliland Ah Oo 70 Sano Ka Hor Xaqdarro Lagu Daldalay

Cardiff,September 4,2022(Haatufonline)-Bilayska Koonfurta gobolka Wales ee dalka Ingiriiska ayaa cudur daar iyo raaligalin ka bixiyey xukun deldalaad ah oo ay maxkamad Cardiff ku taalaa ku riday nin reer Somaliland ah oo la odhan jiray Maxamuud Mataan. Marxuumka ayaa lagu soo eedeeyey inuu lixdi bishi March 1952 qudha ka jiray haweenay la odhan jiray Lily Volpert oo dukaan ku haysatay caasimadda Wales ee Cardiff.Gabadhan oo xiligaa 41 jir aheyd ayaa loo soo galay iyadoo cunaha laga gowracay waxaanay meheradeedu ku taalay xaafadda Tiger Bay oo ku dhaweyd dekadda Cardiff isla markaana aheyd meel ay ku badanyihiin bad-mareenada ajaanibka ah ee waqitigaa la socon jiray maraakiibta xamuulka ah ee Ingiriiska.

Xaaski Maxamuud Maataan oo la odhan jiray Laura iyo sadex will oo ay marxuumka u dhashay ayaa muddo 46 sanadood ah ku jiray halgan ay ku doonayeen in kiiskii dib loo baadho si ay ceebta uga maydhaan magacii aabahood.

Sanadki 1998 ayaa maxkamaddu burisay xukuunkii horee lagu riday Maxamuud Mataan oo ku dhashay Hargeysa balse dagaalki labaad ee aduunka dabaded isagoo seaman ah degay magaalada Carfiff halkaas oo uu sanaki 1947 ku guursaday Laura oo kasoo jeeday dadka cadaanka ah.

Raaligalintoodi waxay Bilaysku ku qireen in si cadaalad darro ah oo cunsurinimo ku dheehantahay loo baadhay kiiska oo xata aan la tixgalin cadaymihi laga maragkacay in marxuumku meel kale joogay waqtigii dilku dhacay.
Laura waxay tidhi ‘dulmigii iyo rafaadkii nagu dhacay darteed aniga iyo sadexdayda wiil waxba kumaanu nolayn mudadaas oo dhan’
Cumar oo ahaa sadexdeeda wiil ka dhexe ayaa 8 jir ahaa markii aabihii la daldalay .Mar uu ka hadlay wixii dhacay wuxu sheegay in xaqdaradi lagu dilay aabihii ay noloshiisa oo dhan si xun u saamaysay.Tanya Cumar ayaa aabaheed ku tilmaamtay nin aan kasoo kaban wixii qoys ahaan ku dhacay.Cumar waxa laga helay meel ku taala xeebta gobolka Scotoland isagoo mayd ah sanadkii 2003.Wuxu ahaa 53 jir.Kristay oo uu dhalay Mervyn oo ugu yaraa sadexda wiil ayaa waxay tidhi “Noloshii qof kaliya uun may galaafan ay waxay sadexdii wiil ee la dhalay ku xukumeen inay maalin walba la tacaalaan magac xumada ku sidkan ee ah inuu dhalay aabe dibiile ah oo dil gaystay”.
Laura iyo sadexdii wiil waxay geeriyoodeen sanado ka hor intii aanay raaligalintan bilysku soo bixin.
‘”Maxay noogu taalaa kol hadii afarti qof ee nolosha lagu cadabay aanay maanta inala joogin oo caruurtayda awowgood aanu arkayn tafiirtisii”‘ ayey tidhi Kirsty .

Qoraaga caanka ah ee Nadiifa Maxamed oo muddo dheer ku jirtay baadhitaan ay ugu kuurgalayso habki uu u dhacay kiiskii Maxamuud Maataan iyo duruufihi ku xeernaa oo dhan iyo daldaadii lala beegsaday qof barii’ ah ayaa buug la yidhaa ‘Fortune Men’ ka qortay sheekadi iyadoo u buugani soo baxay dhawaan oo waliba Nadiifa lagu abaal mariyey jaaiisado dhawr ah.BBC-da ayaa dhawaan sii daysay barnaamij maqal ah oo ku saabsan buuggan iyo sheekada kiiskii Maxamuud Mataan,waxaana ka mid ahaa dadkii kasoo qaybgalay barnaamijkaa qoraaga Nadiifa iyo gabadh u awow u ahaa Maxamuud Mataan.Dad badan ayaa aaminsan in bugga Nadiifa uu qasbay ama soo dadajiyey raaligalinta ay bilayska gobolka Wales ku dhawaaqeen.Nadiifa Maxamed qudhideeda ayaa sida marxuum Mataan ah qof ku dhashay Hargeysa balse iyadoo yar loo kaxeeyey London xiligii uu nidaamkii Siyaad Barre cadaadiska ku hayey shacbiga reer Somailad.

Fortune Men waxa lagu iibiyaa dalalka aduunka intooda badan.Hargeysa waxaad ka heli kartaa Sahan bookshop oo ku yaala fooqa Cumar Xaahi ee kasoo horjeeda Durdur Mall.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*