Latest News

Kulan Lagaga Hadlayey Master Plan-ka Magaalooyin Ka Mid Ah Somaliland Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Lagub Qabtay

Hargeysa, September 4, 2022 (Haatufonline) – Kulan loogu Diyaar garoobayo Qorshaha ay diyaarisay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland, ee Master Plan ka lagaga saarayo Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, iyada oo maalmahan laga daah furi doono qorshaha Master Plan ka magaalada Burco oo ugu soo horaysa.

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ku wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Cumar Seyid Cabdilaahi Aadan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*