Latest News

Boqashada La Filayo In Xasan Sheekh Ku tago Cadale Ma Suurtogalin Doontaa Weerarkii Habsaamay Ee Aadan Yabaal.

Muqdisho,November 22,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dhawaan u boqoolo dhinaca Cadale oo 136 km dhinaca bari ka xigta Muqdisho. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada socdaalkan haddana wax aan shaki ku jirin in safarkani la xidhiidho dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab oon wali si fiican uga hana qaadin gobolka Shabeellada Dhexe taasoo dhaliilo xoog leh usoo jiidisay madaxweynaha maa daama ay beeshiisu ugu badantahay dadka dega gobolkaasi.Kolay Xasan Sheekh wuxu u kuur gali doonaa carqaladaha hortaagan ama sababaya inuu hakad galo abaabulkii dadweynaha ee lagaga hortagi laha Alshabaab waxaanu isku taxalujin doonaa sidii uu xal ugu heli lahaa isagoo kala tashan doona madaxda ciidanka iyo hoggaan dhaqameedyada ku sugan gobolka labadaba. Dhamaystirka iyo isku-dubaridka hawlaha abaabulka iyo dagaal-galinta Shabeellada Dhexe ayaa waxa ku xidhan weerarkii mudada dheer la sugayey in lagu qaado Aadan Yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Shabaabku ku leeyihiin Shabeellada Dhexe, xaruntaas oo hadii meesha laga saaro ay sahli doonto inay isku xidhmaan Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan oo labadooduba ka tirsanyihiin Hirshabeele. Hadaba booqashada Xasan Sheekh ee Cadale ma u gogol xaadhi doontaa inuu dhawaan hirgalo weerarkii Aadan Yabaal ee habsaamay?

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*