Latest News

Cabdirizaaq Khaliif Oo Cirro Iyo Diblomaasiyiin Shiina Ah Kula Kulmaya Addis Ababa

Laascaanood,March 10,2023(Haatufonline)-Sida uu xaqiijiyey barnaamijka caanka ah ee Al-Xaqiiqa ee uu soo saaro Ibraahim Caydiid, Gudoomiyihii Golaha Wakiilada ee ku biiray Jabhada Laas-caanood ka dagaalamaysa ayaa saaka ka soo baxay Laas-caanood isagoo hada saacadan maraya Hawdka ku toosan Magaalada Hargeisa iyada oo ay Gelbinayaan Ciidamada Liyuu Booliska DDS.

Alxaqiiqa oo arintan ka waramaya ayaa waxa uu yidhi

“Cabdirisaaq Khaliif (Cabdi Biriish) ayaa hada ku socda Magaalada Jigjiga isaga oo halkaa kula kulmi doona Mustafe Cagjar & Ugaaska Gadabuursiga, wararka Al-xaqiiqa ay helaysaa waxay sheegayaan in Cabdirisaaq uu Jigjiga u sii dhaafi doono xarunta Dalka Ethiopia ee Adisababa oo ay ku sugayaan Safiir Ina Camay & Cabdiraxmaan Ciro iyo weliba kooxaha Dagaalka kula jira Somaliland oo Somaali & Chineseba leh.

Wararka xaqiiqda ku fadhiya ee ay #Suti_gaashaan helayso ayaa sheegaya in Cabdirisaaq Khaliif ay Magaalada Adisababa ku balansanyihiin Cabdiraxmaan Ciro oo shalay u baxay xarunta Dalka Ethiopia ayaga oo halkaa kula kulmi doona Dublamaasi Dalka China ka socda oo qandaraas ku bixinaya Dagaalka ka dhanka ah Somaliland.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*