Latest News

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Dhawaajiyey Shirqoolo Qaranka Somaliland Loo Maleegayo

Hargeysa, March 9, 2023 (Haatufonline) – Gudoomiye Faysal oo Qado sharfeed ku maamuusay Qaar ka mida Xildhibaanada Golaha wakiilada JSL ayaa ku War galiyey inaanu waxa Laascaanood ka socdaa ahayn Dagaal Sokeeye balse uu yahay Duulaan Kaga yimid Dibada”

Inkasta oo uu arimo Xasaasi ah Xildhibaanada La Wadaagay Gudoomiye Faysal oo aan Halkan Lagu Soo koobi karin wuxuu yidhi”

“Waxa Laascaanood ka socda Waxaa La Qorsheeyey 2015 Base Iyadda oo Kala Qaybsanaanta Dhexdeena taala Laga Faa’iidaysanaayo ayaa Wakhtigan Lagu Soo Beegay

Hadaba Wixii inaga dhexdeena Qaldan Waynu sixi doonaaye Maanta waxaa Loo Baahanyahay inaynu Qaranka Difaacno waayo Waa Laynagu Soo Duulay”

Hadii Aanay Labada Aqal Ee somaliland ka Hadal oo aanay Aduunyada u Sheegin in Laynagu Soo Duulay Waxaa Hadli Doona Kuwii Xamar oo Wax kale u sheegi doona”

Waxaa idinka Muuqata inaad Ururada iyo Xisbiyadan yar yar Ee Dhexdeena aad kala Sheeganaysan Waxaan idin Leeyahay inoo yara dhiga oo si Qaran u Shaqeya Qaran kana u Difaaca Mudanayal “

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*