Latest News

Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dil Ka Geystay Nawaaxiga Baligubadle

Baligubadle, May 1, 2020 (Haatuf) – Ciidanka Booliska Somaliland oo ku jira hawlgal ka dhan ah gaadiidka

sida qaadka sharci darrada ah sida ayaa rasaas ku riday baabuur ay laba nin saarnaayeen, halkaasi oo mid ka midi u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay rasaasta ciidanku ku rideen.

Falkan dilka ah oo ka dhacay tuulada Bidhiiqa oo ku taala duleedka Baligubadle, habeenimadii xalay, ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ninkii la socday ninka dhintay.

Gaadhigan oo ka baxay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku sii jeedey magaalada Baligubadle intaanay helin ciidamadan oo ay ka soo baxayaan warar is qilaafsan wallow loo badinayo inay daba taagnaayeen gaadhi qaad ka soo talaabinayey xadka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*