Ciidamada Jubaland oo weeraray Alshabaab isku urursaday Kudhaa iyo duqayn ka dhacday aaga Xaradheere
Haatufonline,March 10,2026
Ciidanka Jubaland ayaa saaka maleeshiyada Alshabaab ku weeraray goob ay isku urursanayeen oo ku taala Kudhaa taasoo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.Warbixin hordhac ah oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidanka Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in hawlgalkaasi Alshabaab lagu gaadhsiiyey khasaare xoog leh isla markaana laga qabsaday hub iyo agab ciidan iyo fariisimo goobta la weeraray ay ku lahaayeen oo la burburiyey.
Dhinaca kale waxa isla maanta galinkii hore duqayn culus oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ee Somalia ka dhacday aagga deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xaradheere.Duqayntan ayaa bartilmaameedkeedu ahaa xero tababar oo ay Alshabaab ku leeyihiin halkaasi.Xeradan oo mar hore oo sanadkii 2023 ahayd la duqeeyey ayaa waxa goobta ay ku taalo lagu magacaabi jiray mawlaca Sheekh Maxamad Raage ka hor intii aanay Alshabaab xoog kula wareegin.
Sirdoonka Somalia ay baryahan dambe kordhiyey hawlgalada sahanka ee ay ku sugayaan goobaha ay ku dhuumaalaystaan maleeshiyada kooxda Alshabaab taasoo fududaysa in weeraro cir iyo dhul ah lagu qaado,khasaare laxaad lehna lagu gaadhsiiyo kooxdaasi.
Leave a comment