Latest News

Ciidamada Maraykanka Iyo Soomaaliya Oo Dilay Taliyihii Al-shabaab Ee Gobolka Bay Mukhtar Nurow Iyo Sideed Ilaaladiisa Ah

Diinsoor, January 8, 2021 (Haatufonline) – Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa sheegay in maalintii Khamiistii ay dileen hoggaamiyihii ururka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Bay Mukhtaar Nuurow iyo sideed ka mid ah ilaaladiisa, sida ay cadeeyeen maanta oo Jimce ah.

Weerarkan u dambeeyey ayaa lagu bartilmaameedsaday hoggaamiye ka tirsan ururka Al-shabaab oo maalgaliya, hubka, dagaalyahanada iyo qaraxyada.

Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan dhinaca cirka ah ah ee ay qaadeen aanay wax shacab ahi wax ku noqon, isla markaana noqonaya weerarkii labaad ee sanadkan gudihiisa ay qaadaan.

Waxaana todobaadkii u dambeeyey laba weerar oo dhinaca cirka ah lagu dilay saddex Al-shabaab ka tirsan iyadoo lagu burburiyey lix dhisme oo ay lahaayeen kooxdu.

Hase yeeshee weerarkan Khamiistii ayaa imanaya saacado ka hor markii Ciidamada Somalia ay sheegeen inay dileen Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab iyo Sideed ka mid ah ilaaladiisa xili ay doonayeen inay weerar ku soo qaadaan Saldhig Milatari oo ku yaalay Diinsoor oo ka tirsan gobolka Bay oo ku yaala Koongalbeed Somalia.

Kooxdan xidhiidhka la leh ururka al-Qaaciida ayaa sii wada weera=ada jigooyada ah iyo miinooyinka ay dhigayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*