Latest News

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Dhigay Ciidamo PSF ka Tirsan iyo Xubno Argagixiso ah

Hargeysa, February 7, 2023 – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Ciidamada Qaranku ay gacanta ku dhigeen gaadiid iyo maxaabiis farabadan oo ka tirsan ciidamada PSF ee Puntland, xubno Argagixiso ah iyo dhalinyaro reer Laascaanood ah oo la soo qalday.

Wasiir Koore ayaa sidaasi sheegay maanta waxaanu yidhi “Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday.

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay maanta…”

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ahna Af-hayeenka Xukuumadda SJL

Mudane Sulayman Yusuf Koore

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*