Latest News

Xubnaha Kasoo Goosanaya Kooxda Alshabaab Oo Soo Badanaya Iyo Waxa Sababaya

Muqdisho,February 7,2023 (Haatufonline)-Waxa isa soo tiraysa tirada xubnaha kasoo goosanaya kooxda Alshabaab iyadoo tan iyo intii uu xoogaystay dagaalka ay dawladda Somalia kula jirto Khawaarijta ay tirada xubnaha isa soo dhiibaya ay si xawli ah usoo kordhaysay .
Ilaa hadda dadka kasoo gala Alshabaan ee dawladda isku soo dhiiba ayaa waxay u badanyihiin dhaliyaro uu ugu da’ weynyahay dhawr iyo sodon jirku waxaanay isu soo dhiibaan iyagoo hal qof ah ama ugu badnaan laba laba qof u wada socda.

Inkastoo tirada horjoogeyaasha isa soo dhiibay ay wali yartahay haddana marka la eego warbixinaha laga qoro dhalinyarada isa soo dhiibta waxa laga daalacan astaamo iyo asbaab muujinaya in dhalinyarada ka tirsan Alshabaab ay badankoodu xamil kari la’yihiin nolol xumada iyo khataraha lasoo darsay oo ay doonayaan inay ka faaiidaystaan cafisyada dawladda oo ay naftooda ka badbaadiyaan duqaymaha cirka iyo weerarada dhulka ee lagu hayo fadhiisimaha iyo xarumaha Alshabaab iyo goobaha ay ciidan ahaan isku urursadaan,waxaana la saadaalin karaa in tirada dhalinyarada kasoo
goosanaysa Alshabaab ay marwalba marka ka dambaysa kordhi doonto todobaadyada iyo bilaha foodda inagu soo hayaa taasoo dhabarjab ku noqon doonta Alshabaab maa daama cidda kooxda u dagaalanta iyo cidda ay isqarxinta u adeegsadaanba ay yihiin dhalinyaro kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Aadan iyo Salaad Maxamed oo todobaadkan kasoo goostay Alshabaab isla markaana isku soo dhiibay ciidanka qaybta 60-aad ee dawladda Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*