Latest News

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Digay Warar Been Abuur Ah Oo Baraha Bulshada Lagaga Baahiyo

Hargeysa, October 16, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland ayaa beeniyey warar aan sal iyo raad toona lahayn oo laga baahiyey, waxxaanay tilmmaameen in ciidamadu ay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo ka faafisa wararkaasi beenta ah.

Taliyaha Qaybta Isgaadhsiinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Faarax Nuur iyo Hogaan Ku Xigeenka Xidhiidhka Arrimaha Dibadda Ee Ciidamada Millateriga Somaliland Gaashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan oo warbaahinta kula hadlay Miiska Saraakiisha ee Hargeysa, ayaa ka digay in la faragaliyo ciidamada.

Ugu horaynta Hogaan Ku Xigeenka Xidhiidhka Arrimaha Dibadda Ee Ciidamada Millateriga Somaliland Gaashaanle Sare Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa yidhi “Talisyada Guud Ee Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland waxay bulshada u caddaynayaan in aanu jirin ciidan ka tirsan oo meel ka tagay, ama koox gaar ah oo meel isku urrursatay, isla markaana wararka lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada qaar kood ay yihiin been abuur cad oo gaf ku ah sumcada ciidamada qaranka” ayuu yidhi Gashaanle Yusuf.

Waxa uu sheegay in dhamaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii, isla markaana ay gudanayaan waajibaadkii ay u xilsaarnaayeen, waxa uu intaa ku daray in siyaasiyiin ay si caqliga ka fog u faragaliyeen ciidamada.

Ugu danbayn waxay saraakiishu u mahadceliyeen saxaafada Somaliland oo ka gaabsatay, isla markaana aan baahin wararka xisbiga UCID ka faafiyay ciidamada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*